WAXA AANU KALSOONI GALINAA HAWEENKA

Isuroon waa urur wax qabad oo ka shaqeeya caafimaadka iyo isku xirnaanta haweenka iyo gabdhaha Soomaalida ahsi kolkaa iyaga iyo qoysaskooduba ay ugu bulaalaan Minnesota iyo caalamkaba.Anagoo caawinayna ayeyhaweenka iyo gabdhahu waxa ay dhistaan caafimaadkooda iyo fayoobidooda,  gaaraana isku filnaansho dhaqaale iyo ku lug yeelad beesha iyo hogaamin.

CIDDA AAN U ADEEGNO

Ururkayaga sama falku waxa uu ka dhex unkamay beesha Soomaalida ah ee ku dhaqan Magaalooyinka Mataanaha ah (Twin Cities) waxaana hogaamiya isla haweenkaa aan u adeego. Dhagaysiga ayaa haga mudnaanahayaga— kulanada, iskaashiga dadka ehelu diinka ah,  ka qayb galka cilmi baarista beesha dhexdeeda laga sameynayo iyo wada sheekaysiyo la isa soo hor fariisto. Waxa aanu ku  kasbanay sumcadayada aaminida ahsiinta aan siinoawood  haweenka Soomaalidu ay ku hagaajin karaan noloshooda.

WAXAA AANU ISKU XIRNAA DHAQAMADA

Iskaashiga Isuroon iyobixiyeyaasha daryeelka caafimaaad waa mid dhaliya fayoobi yareenaya kala sareynta daryeelada dadku helaan. Mas’uuliyiinta iyo bah weyn Minnesota, waxaanu u nahay ilo ay ka heli karaan macluumaad iyo dhaqan aqoon fiican oo ku saabsan arrimo badan oo saameeya haweenka iyo dhalaanka Soomalida ka soo jeeda.

WAAD NA CAAWIN KARTAA

Waxaan halkan u joognaa in aan isku xirno beelaha. Nagu soo xiran!

Urur ahaan

  • Codso in Isuroon wakiil ka tirsani uu kala hadlo ururkaaga ka caawin sidii ururkaagu uu ugu xirmi lahaa haweenka Soomaalida.
  • Hel dhaqan yaqaano la taliya tababarna siiya daryeel bixiyeyaasha caafimaad, mas’uuliyiinta iyo hogaamiyeyaasha kale.
  • Aan iska kaashano sameynta cilmi baarista lagu dhex sameynayo beesha.

Shakhsi ahaan

  • Ka qayb gal tababarada aan bixino oo ku saabsan wax ka ogaanta hawlaha aan qabano.
  • Ku tabaruc waqtigaaga iyo hibadaada, kuna boori saaxiibadaa,qoyskaaga iyo jaalayaashaa in iyana sidaa oo kale sameeyaan.
  • Deeq bixi si aad uga caawiso haweenka iyo gabdhaha sidii ay ku gaari lahaayeen nolol caafimaad iyo wax qabsiba leh.

Recent Videos

FOLLOW US!