KU XIRIDA DARYEELADA CAAFIMAAD

Haweenka iyo Gabdhaha:Isuroon waxaa loo aasaasay in ay wax ka qabato baahida daryeelada caafimaad ee haweenka Soomaalida ee aan wali cidi wax ka qaban sababtoo ah waxa ay u xaq u leeyihiin caafimaad qabiyo fayoobi. Waxaan halkan heegan ugu nahay in aan kaa caawino sidii aad u noqon lahayd qof ku dadaalada caafimaadka iyo fayoobida.

Iyadoo la adeegsanayo kulano koox koox ah iyo la talin isa soo hor fariisi ah, shirar khadka telefoonka lagu qabto, iyo fadhiyo wax barid ah oo si taxadar leh loo soo abaabulay ayey Isuroon waxa ay fidisaa tacliin ku saabsanarrimo caafimaadka ku saabsan oo ay ku jiraan:

  • Isla tacaalida iyoku xirnaanta bulshada
  • Cunida cuntada saxa leh
  • Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka iyo waalidnimada
  • Koritaanka hore ee ilmaha iyo caafimaadka kurayada
  • Saameynaha gudniinka fircooniga ah/goynta xubanaha taranka
  • Gacan qaadka qoyska dhexdiisa ah iyo faraxumaynaha
  • Galmada caafimaadka leh iyo ka hor taga uurka
  • Noqoshada waxa la yiraa doula
  • Caafimaadka miyirka iyo xiska
  • Cudurrada jirka ku dhaca kolka caabiga cudurrada ee jirku uu hoos u dhaco
  • Ma dhalaysnimada
  • Ka hor taga kansarka
  • Duqowga

Si lagaaga caawiyo adiga maareynta hawlaha dhibka badan ee aadan aqoon,  ayaan waxa aanu bixinaa:

  • Maareeyeyaal loo carbiyey hawlaha daryaalka caafimaadkasi ay si shakhsiyan ah kuugu caawiyaan
  • Ku xiradaha daryeel bixiyeyaal la aaminsan yahay oo reer Minnesota ah oo ula dhaqma haweenka Soomalida ah si xasaasi ah oo dhaqan ahaan quman.

Na soo wac si aan kaaga caawino daryeelida caafimaadkaaga: 612-886-2731

Bixiyeyaasha daryeelada Caafimaad: Maadaama aan nahay xubno la aamin san yahay oo ka tirsan beesha Soomaalida,  waxa aanu nahay furahaaga yarenta kala sareynta  daryeelada caafimaad eedadyowga kal duwani  ee ay helaan. Waxaa ku nool 70,000 oo Soomaalida ah Minnesota; 70% qoysaska Soomaalida ah ee wadanka U.S. ka waxaa madax u ah haween.

Dhaqanka Soomaalidu waxa uu si gaar ah u aqoonsadaaqaababka kala duwan ee daaweynta,caafimaadka, iyo xanuunada kuwaas oo si ahaan ka duwanaan kara daryeelada caafimaad ee caadada u ah wadamada reer galbeedka.  Isuroon waxa ka kasbatay meekhaan aaminid ah beesha sababatoo ah u dhuun daloolida dhaqanka iyo hanaankeeda iskaashigu ku dheehan yahay.

Iyadoo la adeegsanayo fadhiyo gaagaaban oo wax barid ahiyo ban dhigyo aad u qoto dheer ayaan waxa aanu fidinaa:

  • Khibrado af iyodhaqan ba ah si aan uga caawino daryeelayaasha in ay isu af gartaan bukaanada qaab dhaqan ahaan quman, oo aakhirka wax hagaajisa
  • Ka caawinta haweenka Soomalida laga caawinayo in ay bedelaan fakarkooda ah daaweynta oo aanu u bedelno kuwo ku fakara ka hor tagida xanuunnada
  • Helida macluumaad khaas u ah Soomaalida si loo caawiyo bukaanada iyo mas’uuliyiinta daryeelada bixisa.

Adeegsiga mashruucyo cilmi baaris ah oo ku salaysan beesha, la shaqeyn lala shaqeeyo hay’adaha cilmi baarista iyo ka sameysiga xiriir hoose oo wada hadal iyo iska warqab ah beesha dhexdeeda ayaa ka dhiga aqoontayada iyo qiimahayaga mid marba marka ka dambeeya isa soo taraya oo mar walba kordhaya.

Na soo wac si aad u hesho adeegyo: 612-886-2731