RUGTA FIDINTA GARGAARKA SHARCIYADA

Gargaarka Sharcigu (Legal Aid) waa hay’ad sama fal ah oo siisa gargaar xagga sharciyada ah dadka dan yarta ah ee Minnesota .  Sannad walba, waxa aan ka caawinaa kumanaan kun oo qof  guryaha,  sharciyada, socdaalka, cayrta, iyo wixii kale ee dhib ah ee haysta ee dhanka sharciyada ah.   Wixii talo ah ee uu ku siiyo qareenka hay’ada gargaarka sharciyadu waa sir oo cid kale ma ogaanayso.  Qareen ayaa xafiiska Isuroon imaan maalmaha Isniinaha, Khamiisaha ,  iyo Jimcayaasha laga bilaabo 10:00 subaxnimo ilaa iyo  to 12:30 duhurnimo.  Fadlan na soo wac marka hore si aad balan u sameysato.

Xafiiska Gargaarka Sharcigu (Legal Aid) wuxuu kaa caawin karaa arrimahan soosocda.

  • Socdaalada (immigration)
  • Guryaha
  • Cayrta
  • Xeerarka qoyska
  • Xaquuqda naafada
  • takoorida dhanka guryaha ah
  • Arrimaha waayeelnimada la xiriira
  • Canshuuraha iyo xaquuqda macaamiisha

Fadlan naga soo wac khadkan telefoonka: 612-886-2731