Sidee loo caawin karaa waalidiinta caruurtooda qaba Autism

Kulankani oo ay ka soo qeyb galeen waalidiin caruurtooda qaba Xanuunka Autism-ka iyo Quburo dhanka caafimaadka oo arintaasi qibrad u leh ayaa waxaa kulankani lagu qabtay xarunta ururka isuroon, waxaana kulankani uu daba socday kulan horey loogu qabtay magaalada Burnsville ee Gobolka Minnesota.

Ururka Isuroon iyo ururka Afrikan Imigrant Cester ayaa taageero u raadinaya Waalidiinta heysta caruurta Autism-ka qaba sababtoo ah waalidiinta waxay mashquul ku yihiin 24 saac caruurtooda taasi oo wax yeelo kale u geysan karta waalidiinta naftooda,

Kamaalu Diin Xasan “Kamaal Dacas oo ka socday shirkada ISKA INK oo la shaqeysa qoysaska caruurtooda ka xanuunsan yihiin ayaa sheegay in dadkani ay yihiin kuwo dayacan oo u baahan gargaar deg deg ah.

Xanuunka Autism-ka “ootiisimka” oo fara ba’an ku haayo caruurta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa hada loo raadinayaa in la nasiiyo waalidiinta heysta caruurtaasi oo ay sheegeen in dhibaato xoogan ay heysato,

Recent Posts

Leave a Comment