Tababar caafimaad oo lagu qabtay xarunta ururka Isuroon

Tababar ay ka faa’ideysteen haween Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee ururka ISUROON, Tababarkaasi ayaa waxa uu ku saabsanaa sida aad ula socon kartid caafimaadkaada, wax yaabaha sida gaar ka ah loogu hadlay oo la barayey haweenka ayaa waxaa ka mid ahaa Cudurka Cencer-ka, gaar ahaan waxaa la faah faahiyey Cencerka ilma galeenka ku dhaca iso Cencer-ka Naasaha.

Tababarkani ay soo qaban qaabisay ururka ISUROON oo saldhigiisa wayn uu yahay magaalada Minneapolis balse xarumo kale ku leh magaalooyinka ay Soomaalida ku badan tahay ee Gobolka Minnesota.

Fartune Weli oo ah Madaxa iyo aas aasaha ururka Isuroon isla markaana ku taqasustay caafimaadka dadweynaha ayaa ayaa sheegtay in muhiim ay tahay in lala socda caafimaadka iyadoo sharxaad ka bixisay wadiiqooyinka loo mari karo qofkii doonaya in uu sameeyo baaritaan caafimaad.

Recent Posts

Leave a Comment