ISUROON WAXA AY TAHAY

Isuroon waa urur beeshu leedahay oo haween hogaamiyo oo ka shaqeeya maslaxada haweenka kana duula aaminsanaanta ah in haweenka iyo gabdhaha  Soomaalida ahi ay u qalmaanhelid caafimaad iyo cod buuxa.

Waxaan u nahay af iyo dhaqan ahaanba ku xire ku xira haweenka  akhbaarta fayoobida, bixiyeyaal daryeel caafimaad oo la aaminsan yahay, barida xisaabaadka lacagaha, ku lug yeeladka hawlaha bulshada iyo hogaamin.

Bixiyeyaasha daryeelada caafimaadka iyo mas’uuliyiinta, waxaanu isu nahay is-kaashadayaal ka wada shaqeeya hagaajinta maxsuulada iyo yarenta kala sareynta daryeelada dadka kala duwani ay helaan iyadoo la adeegsanayo tababaro dhaqan ahaan quman iyo cilmi baarisyo.

Magacayaga, “Isuroon,” ”macnahiisu”  waa haweeney nafteeda u roon.” Hadii la siiyo dhiiri galin iyo khayraadba, haweenka Soomaalida ah ee Minnesota waa ay awoodaan in ay:

  • Ka gudbaan carqadaha noloshooda hor yaal sida af aqoon la’aanta, midab takoorka iyo cadaadis diintooda lagu cadaadiyo.
  • Maareeyaan nidaamka daryeelida caaafimaadka ee dhibka badan ee aysan badanaa aqoon badan u lahayn sida u shaqeeyo.
  • Noqdaan kuwa u istaaga u dirirka caafimaadkooda jireed, bulshada iyo hagaagsanaanta xaaladdooda dhaqaale.

Si aad wax uga ogaato sida aad dhaqaale ahaan gacan uga gaysan karto hawlahayaga, booqo bogga volunteer ama donation.